| SEHO Supporters |
|
|
|
|
Text below is Af Soomaali
Bardera Mothers and Children’s Hospital Bardera, Somalia Tel +252 133 805 March 9, 2009
Ka: Agaasimaha Isbitaalka Hooyooyinka iyo Caruurta Baardheere Og: Somali Education and Health Organization (SEHO) ku: Taageerayaasheena
Ujeedo: Mahadcelin
Waxaan mahad balaaran u direynaa dhamaan dadkii ilaa 2006 ka qeybqaatey abaabulkii iyo hirgelintii isbitaalkii ugu horeeyay gobolka Gedo ee daryeel gaar ah u fidiya guud ahaan dumarka, gaar ahaan dumarka uurka leh, hooyooyinka, umulaha iyo caruurta. Bulshada Baaardheere oo aad u balaaran darteed waxaa weli ka howlgeli karo magaalda Baardheere isbitaalo badan. Isbitaala Degmada mudo dheere ayuu xiranyahay. Fakarkiinii, kharashkii iyo qalabaadkii aad soo dirteen iyo saacadihii iskaa wax u qabso ee aad geliseen Isbitaalka Hooyooyinka iyo Caruurta ee Baardheere (IHCB), waxaan dhamaantiin idin leenahay Allaha idinka abaalmariyo. Mahadsanidiin walaalayaal. Isbitaalka wuxuu u adeegaa sanad walba bulsho 3,000 oo qof kor u dhaafaysa.
Meesha uu adeega marayo: isbitaalkan oo leh labo laamood bariga iyo daanta gableed ee magaalada Baardheere waxaa maanta ka howlgalo 12 qof oo iskugu jira 9 dumar ah iyo 3 rag ah oo kala qabta adeegyo kala duwan sida baaris, daaweyn, farmashi, umulin iyo amaanka. Magaalada Baardheere isbadal horumar ayaa ku yimid ilaa 2006.
Xaga adeega daaweynta, waxaa nasiib wanaag ah inaan ku shaqeyno 2 nurse, 3 umuliso iyo 1 famashiiste. Dhamaan waa dumar fahansan u adeegida walaalahooda u baahan daryeel caafimaad. Hadii hooyo la daryeelo, caruurteedane waa la daryeelay. Waxaa uu isbitaalku leeyahay farmashiye ka duwan dhamaan farmashiyeyaasha Soomaaliya sababtuna tahay inaan daawada ka helno dunida mamnuuncda daawo dhacday iwm.
Warbixinadeenii 2007 iyo 2008 waxaa ku cadaa inaan u adeegnay bulsho ka badan 3,000 qof sanad walba labaas sano. Waa Alle mahadii. Waxay dadkaan iskugu jireen caruur ka yar <1 sano, ka yar <5 sano iyo dumar xanuuno guud sheeganayay iyo daryeelka dumarka uurka leh, umulo iyo dhalaankooda. Ol ole talaadada caruurta iyo hooyada ayaan hada ka wadnaa labada daan ee magaalada Baardheere.
Anaga dadaalkeena waan sii wadaynaa hadii Ilaah yiraahdo, adinkane taageeradiina joogtada ah waa lagama maarmaan. 57 Qof oo aan si guud iyo si gaarba aan ugu mahadcelinayno ayaa ku lifaaqan warqadan mahadcelin.
Fardowsa Abdinur Hashi, Agaasime, IHCB/EBMCH
Taageerayaasha SEHO/SEHO Supporters:
|








